Diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland oo berri bilaabanaysa

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maalinta berri ah ka bilaabaya magaalada Qardho diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha deegaanka, oo dhowaan ka dhacaysa 3 kamid ah degmooyinka Puntland.

Doorashada oo ah mid tijaabo ah ayaa lagu qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana ku tartami doona 10 urur siyaasadeed, iyadoona 3 urur ee uga cod bata loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland.

Idilnews