Fatahaad Wabiga Shabeelle uu ku sameeyo Baladweyne oo laga digay

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga soo wacay Gobolka Shabeelle ee Dhulka Soomaali Galbeed laguna wargeliyay in biyo xooggan ay soo raaceen Wabiga Shabeelle si ay u sameeyaan feejignaan.

Jayte ayaa muujiyay welwel la xiriira in uu karkaarada jabsan karo Wabiga Shabeelle marka biyaha kusoo darsamay ay soo gaaraan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dhowr jeer uu ku fatahay.

“Waxa aan reer Hiiraan ama reer Baladweyne ku warcelinayaa xiriir uu nala soo sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle (Godeey) oo inoo sheegay in biyo badan ay kusoo darsameen Wabiga Shabeelle, micnaha hadalkeygu ma aha hala barakaco balse waa aan kahortagno oo aan iska muusno” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.