VIDEO: Guddoomiyaha Gobalka Mudug oo lagu soo dhaweeyay degmadda Goldogob (Sawirro)

Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu soodhaweeyey Degmada Galdogob.

Wafdigan oo isugu jiray qaar kamida Isuduwayaasha Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, Gobolka iyo Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Gobolka Mudug, waxaana duleedka Magaalada Galdogob ku soodhaweeyey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob, Odoyaal, Waxgarad, Bahda Dhalinyarada iyo Haweenka.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ” Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dhamaantii soodhawaynta qiimaha badan ee aad noosamayseen, waa idinla joogaa, si guud iyo si gaaraba waa u kulmaynaa “.