Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad la caleema-saarayo

Ismail Omar Guelleh, ayaa maanta loo caleema-saarayaa markii shanaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii April.

Guelleh oo 73 jir ah ayaa munaasabadda lagu dhaarinayo waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dalalka Africa, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kale waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi.

Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

Sidoo kale, Ismail Omar Guelleh ayaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay tartanka doorashada madaxyinimo ee uu ku soo baxay Ismaaciil Cumar Geele, oo ay codeynteeda ka qeybgaleen 215,000 oo muwaadiniin Jabuutiyaan ah.