Qoorqoor oo ka qeybgalay Aaska Sheekh maalmo kahor lagu dilay Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Cali Axmed Farax ” Sheikh Cali Dheere” oo ahaa maamulihii Xarunta Daryeelka Agoonta Ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilkiisa isagoona Bulshada Qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuumka.