Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo duqeymaha Israel ee Gaza oo weli socda

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada London, kuwaas oo ka soo horjeeday duqeymaha ka socda dhulka Falastiin, waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain,.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London.

Booliska London ayaa ilaalo xoog leh ka haya safaaradda iyo nawaaxigeeda.

Dhinaca kale dibad-baxyo waaweyn oo ka dhan ah duqeymaha Israel ayaa siddoo kale ka dhacay dalal badan oo caalamka ah.