DFS oo dalbatay in Dowlad madax banaan loo dhiso Falastiiniyiinta

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaalida u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in ay si degdeg ah oo buuxda u siiyaan dadka reer Falastiin nabadgelyo, hantidooda iyo goobaha barakeysan.

“Dowladda Soomaaliya waxay taageeraysaa in Falastiin hesho xuquuqdeeda ah dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Quddus” Ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska Sooomaalida ee QM.