Sawirro: Shacabka Qardho oo safaf ugu jira diiwaan-galinta codbixiyayaasha

Shacabka magaalada Qardho ayaa maanta u dareeray diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland, si ay u qaataan kaarar codbixinta, qeybna uga noqdaan doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horeysay Puntland lagu qabanayo.

10 goobood oo ku yaalla gudaha magaalada Qardho ayaa Shacabku bilaabeen inay iska diiwaangeliyaan. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaana sheegay inay diiwaangelintu socon doonto muddo 2 asbuuc ah oo maanta ka bilaabanaysa.