Shacabka Qardho oo maanta u dareeraya qaadashada kaararka codbixiyayaasha Doorashooyinka (VIDEO)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka bilaabaya magaalada Qardho diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golaha deegaanka, oo dhowaan ka dhacaysa 3 kamid ah degmooyinka Puntland.

Shacabka kunool Magaalada Qardho iyo deegaanada hoostaga ayaa maalmihii ugu dambeeyay lagu wacyi-galinayay inay isdiiwaangaliyaan, ayna qaataan kaararka codbixiyayaasha, si ay uga qeyb qaataan Doorashooyinka.

Doorashada oo ah mid tijaabo ah ayaa lagu qaban doonaa degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, waxaana ku tartami doona 10 urur siyaasadeed, iyadoona 3 urur ee uga cod bata loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland.