Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay isku rasaaseeyeen Goob Ganacsi oo muwaadin Soomaliyeed uu ku leeyahay degaan ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana rasaastaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday laba Nin oo Soomaali ah.

Falkan oo ka dhacay Xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ayaa sababay geerida Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Abuukar (Goobo Raambow), halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool halka falka uu ka dhacay ayaa Warbahinta u sheegay in Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah ay sidoo kale weerareen goobo Ganacsi oo Soomaali leedahay, balse aysan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa tegay halka ay Kooxaha Burcadda ah isku rasaaseeyeen, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Kooxihii Burcadda ahaa.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa Gudaha dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay laba Muwaadin oo Soomaali ah halka mid kale lagu dhaawacay, iyada oo Booliska dalkaas aysan waxba ka qaban dilalka iyo boobka lagu haayo Soomaalida.