XOG: Al-Shabaab oo Qaraxyo Ismiidaamin ah galisay magaalada Muqdisho

Hay’adaha Amniga safaaradaha dalalka shisheeye ee ku sugan xerada Xalane ee Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku aadan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lala beegsanayo Hotelo iyo goobo dowladeed oo soo galay Magaalada Muqdisho.

Xogtan oo lala wadaagay Hay’adaha Amniga DFS ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay soo galisay Muqdisho Rag Ismiidaamiyaal ah, kuwaas oo sita jaakadaha Qaraxyada, lagana keenay deegaano kamid ah Gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Amniga ayaa intaas ku daraya in Qaraxyadan ay Al-Shabaab qorsheeyeen in lala beegsado qaar kamid ah Hotelada ay fariistaan Madaxda Dowladda iyo xarumo ay kamid yihiin saldhigyada iyo xarumaha degmooyinka Muqdisho.

Sidoo kale, Hoteelada Muqdisho ayaa lala wadaagay Xogtan, iyagoo la faray inay adkeeyaan Amnigooda, sidoo kalena ay hubin ku sameeyaan dadka ay shaqaalanimo u qaadanayaan.