Madaxweynaha Puntland oo ka degaya magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, kaddib socdaal qaatay muddo maalmo badan oo uu ugu maqnaa Dalka Dibediisa.

Madaxweyne Deni oo horaanti bishan ka socdaalay Magaalada Garoowe ayaa tagay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta oo haatan uu ku sugan yahay, isagoona kulamo aan xog badan laga heyn la qaatay Madax katirsan Dowladahaas, Dublamaasiyiin, Madaxda Hay’addo caalami ah iyo Ganacsato.

Deni ayaa sida qorshuhu yahay Talaadada ka degi doona magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo ka bilaabi doono, isagoona subaxnimada 20-May u socdaali doona Muqdisho, si uu uga qeybgalo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS ee uu Iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.