Muslimiinta Mareykanka oo qaadacay la kulanka Madaxweyne Biden

Ururada Muslimiinta Mareykanka ayaa qaaddacay munaasabad uu Aqalka Cad ugu tala-galay dabaal-dagga ciidul-fitriga, taasoo ku dhici laheyd muuqaalka tooska ah ee Internetka, Axaddii shalay.

Hoggaamiyaasha Muslimiinta America ayaa qaaddacaada ku sifeeyay cabashadooda ku aadan wax ay u erkaan taageerada maamulka Biden ee rabashadaha Israel ay ku waddo Falastin.