Qoorqoor oo Guddi xaqiiqo raadin ah u saaray dilkii Sheekh Cali Dheere (Akhriso)

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa baaris ku sameynaya dilka wadaadanka oo xiisada ka abuuray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)

2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)

3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)

4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin)