Ra’iisul Wasaare Rooble “Shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa sheegay inay Soomaaliya galayso marxalad doorasho, uuna socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro inuu qabsoomo Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, kaas oo loo balansan yahay 20-ka bishan.

“Soomaaliya waxay galeysaa doorasho. Waxaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay  Inshaa allaah.”

Qoraalkan oo Ra’iisul Wasaare Roble, soo dhigay xalay bartiisa Facebook ayaa yimid xilli Midowga Musharixiinta ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.