Waalidiinta carruurtooda loo qaaday Eritrea oo banaan-bax ka dhigay Dhuusamareeb (Sawirro)

Waalidiinta carruurtooda uu Ciidan ahaanta ugu diray Dalka Eritrea Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa banaan-bax ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Waalidiinta ayaa sheegay in aysan raq iyo ruux midna ku hayn carruurtoodii, waxayna ka dalbadeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin inay meel ugu sheegaan ubadkoodii.

Sidoo kale, Waalidiinta ayaa sheegay inay qabaan walaac la xariira inay xaalad adag ku sugan yihiin carruurtoodii, waxaana ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble inuu wax ka qabto cabashadooda.