Akhriso: Magacyada 9 Urur Siyaasadeed ee ku loolamaya Doorashooyinka ka dhacaya Puntland

Deegaanada Puntland waxaa ka bilowday markii ugu horeysay 22 sanno kaddib Aas-aaskii Dowladda Puntland, diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Dowladaha Hoose, kuwaas oo Shacabku ay kusoo dooranayaan Dadka ku matalaya Golayaasha Deegaanka Degmooyinka ay kunool yihiin.

Sagaal Urur Siyaasadeed ayaa ku tartamaya Doorashada dowladaha hoose, kuwaasoo si tijaabo ah uga dhacaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

Ururada siyaasadeed ayaa durba waxay ololahooda ka bilaabeen degmooyinka ay doorashada ka dhaceyso, sagaalka urur ee tartamaya ayaa laga doonayaa saddex urur siyaasadeed inay isugu soo haraan.

1 Urur Siyaasadeedka Runta iyo Cadaalada
2 Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha
3 Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada
4 Urur Siyaasadeedka Cadaaladda & Sinnaanta
5 Urur Siyaasadeedka Kaah
6 Urur Siyaasadeedka Mideeye
7 Urur Siyaasadeedka Mustaqbal
8 Urur Siyaasadeedka Horseed
9 Urur Siyaasadeedka Ifiye