Axmed Karaash oo soo xiray Shirweynaha Haweenka ee Doorashooyinka D/hoose ee Puntland (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Garoowe uga socdey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxa uu dhiirigeliyey dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda, waxa uu Hay’addaha ku shaqadaleh Doorashooyinka Puntland faray in haweenka lagala shaqeeyo ka qayb-galka Doorashada.