Axmed Madoobe oo ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo 48 saac ee soo socota Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, kaddib sanad iyo bilo kasoo wareegay dib u doorashadiisii August-2019.

Golahiisa Wasiirada cusub ee Jubbaland ayaa waxaa kasoo muuqan doona Wajiyo aan horey ugu jirin saaxada siyaasadda, kuwaas oo loo badinayo in loo magacaabi doono Wasaaradaha Maaliyadda, Amniga, Qorsheynta, iyo Waxbarashada, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Idilnews.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa haatan wada la tashiyadiisii ugu dambeeyay, isagoona kulamo gaar gaar ah la leh La-taliyayaashiisa, Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Waxgaradka Jubbaland.

Idilnews