Faallo: Doorashooyin Xisbiyadda badan ee Puntland

Puntland waxaa ka bilowday jawi siyaasadeed ee Soomaaliya ku taameysay 50 sano.

Doorashada saddex Degmo loogu diyaar garoobayo ee Eyl, Qardho iyo Ufeyn waxay bilow u yihiin Doorashooyinka heer Puntland, taas oo looga guurayo nidaamka qabiilka loona guurayo nidaamka mataalaadda ee heer degaan.

Talo soo jeedin:

1. Guddiga Doorashooyinka in ay u dhabar adeygaan howshan adag, Samir u yeeshaan eedaha iyo tabashooyinka iman kara,

Dowladda:

1. Dowladda PL waxaa laga rabaa in ay xisbiyada ula dhaqanto si waafaqsan sharciga doorashooyinka oo loo sinaado xuquuqda Dowliga ah,

2. In Dowladdu Xisbiyada ka taageerto wixii farsamo, logistics iyo dhaqaale ah, sida ay hadda yeeshay.

Xisbiyada:

1. In ay Dadka ku wacyigeliyaan muhiimadda metelaadda iyo doorashooyinka

2. In ay ka fogaadaan hadalo xasaasi ah oo abuuri kara kalsooni darro shacabka ku timaadda

Shacabka PL:

1. In nidaamka metelaadda la taageero

2. Xisbiyada laga qeyb galo

3. Xisbiyada taageero dhaqaale $2, $5, $10 iyo ka badan lagu darsado si looga maarmo in dhaqaale laga doonto shisheeye, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama dhaqaalaha ugu badan oo uu helay waxay ka yimaadeen Dadka bixiyey $5-$10 Dollar.

Dadka Eyl, Ufeyn iyo Qardho ku noon kumanaan ka mid ah ayaa bixin kara $2 iyo $5 Dollar.

Doorashadu waa furaha Dowlad hufan, leh metelaad dhab ah iyo isla-xisaabtan.Waxaan u rajeynayaa reer PL doorasho si Amni iyo Xasilooni ah u qabsoomta.

Guul reer Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Burhan Dio Mio