Muxuu yahay ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Doollo ? (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur iyo Wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Bookh ee Gobolka Doollo.

Waftigan ayaa isugu jira Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Gudoonka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Mudug, Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Duqa Degmada Galdogob, agaasimaha mashaariicda Gobolka Mudug, Nabadoono iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur “Waxaan Maamulka Degmada Bookh iyo kan Gobolka Dollo uga mahadcelinayaa soodhawaynta qiimaha badan ee aan loo kala harin safarkaygaan waxa uu salka ku haya iskaashiga labada Gobol ee Doollo iyo Mudug dhinacyada Amniga, Horumarka iyo ganacsiga gaar aan ladagaalanka Mukhaadaraadka iyo Argagixisada”.