Qoorqoor oo faray saraakiisha Ciidanka dardar-galinta la dagaalanka Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka amniga guud ee Galmudug oo ay kasoo qeyb galeen saraakiisha Hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geliyaan dadaalada suggidda amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.