Shacabka Qardho oo maalintii 3-aad safaf ugu jira diiwaangalinta codbixiyayaasha (VIDEO)

Shacabka magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa maalintii saddexaad safaf dhaadheer ugu jira diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada horudhaca ah ee Saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl, taas oo uu wado Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Diiwaangalinta oo la wadi doono muddo Labo todobaad ah, ayaa ka socota 10 goobood oo ku yaalla magaalada Qardho, Shacabka ayaana loogu baaqay inay tagaan goobahan si ay isugu diiwaangaliyaan inay soo doortaan dadka ku matalaya Maamulka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ugu baaqay Shacabka inay muujiyaan dulqaad, ayna isdiiwaangaliyaan, maadama ay markii ugu horeysay fursad u helayaan inay soo doortaan dadka ku matalaya Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Qardho.