Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax caawa ka dhacay Gaalkacyo

Qarax weyn ayaa caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kaas oo ahaa Mooto bajaaj laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Hotelka Embassy, ayaa la sheegay inuu ku qarxay Ragii waday oo gaarayay Saddex, kuwaas oo Qaraxan ku wada geeryooday, sida ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Galmudug.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli Koonfurta Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug, kaas oo kulan uu maanta la qaatay Saraakiisha Ciidanka ku amray inay xoojiyaan Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.