XOG-WARAN: Cali Xaaji iyo Siyaasiyiin kale oo looga adkaaday Ururka Mideeye

Xanta Xisbiyada?

Mideeye waxaa banaanka la dhigay xubno muhiim ah oo Mulkiilayaashii Ururka ka mid ahaa.

Xubnahaas waxay gaarayaan 24,waxaana hormuud u ah…

1.Cali Xaaji
2.M.Cabdinuur

  1. Cowke
    4.Qarjab.

Xubnahan oo la oran karo waa lagaaday,ayaa dacwad ugudbiyay Tpec.

Balse dacwadoodu wax badan uma soo kordhin karto,waxayna umuuqataa ciyowgii waa ka baryay markii la qiimeeyo laba Qodob…

1.Golihii dhexe ee Ururk oo gaaraya 200,waxaa israacay 174-xubnood.

2.Mideeye oo aan looga maarmin Dimuqraadiyada dhaqaaqeeda oo keenaysa in la ilaaliyo jiritaankiisa.

Xubnahan 24-ka ah ee lagu tilmaami karo in hada looga adkaaday loolankii Ururka dhexdiisa,ayaa hadafkoodu yahay in ay Ururka ku furaan buuq sababi kara in doorashada laga reebo.

Mid ka mid ah dhabarjabyada ay la kulmeen xubnaha 24-ka ah,waxaa ka mid ah Faarax Cali Shire oo ugalay garabka Asad.

Asad waxuu gacanta ku dhigay Gudoomiyihii,Ku xigeenkiisii iyo Xoghayntii.

Sidoo kale Golaha Dhexe kala bar waa Xubno Asad keensaday oo uu ka shubay 1000$ isdiiwaangelinta.

Isku soo wada duuboo Mideeye waxuu gacanta si buuxda ugu galay Asad iyo Garbihiisa.

Jibril Qoobey.