Axmed Madoobe “Gedo gorgortan kuma jiro inuu Jubbaland yahay, laakiin Maamulka..” (VIDEO)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo wareysi siiyay BBC ayaa ka hadlay marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, Shirka loo balansan yahay iyo xaalada Gobalka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan Gobalka Gedo gorgortan ku jirin inuu kamid yahay Jubbaland, balse looga baahan yahay Farmaajo inuu gacanta Maamulka Gobalka kusoo celiyo Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxwaynaha Jubbaland ayaa intaas ku daray “Madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaaday haduu faraha kala baxo Arimaha doorashada iyo Amniga kalsooni Rooble waan kala shaqaynayna kalsoonina waan ku qabaa”