Ciidanka Puntland oo khamri kale ku qabtay magaalada Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka Booliska Gobalka Bari oo howlgallo xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan oo lagu soo qariyay Jawaano, taas oo lagu qabtay gaari ay wadatay dhalinyaro.

Khamridan ayaa lagu qabtay Bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso, taas lagu hubiyo gaadiidka, waxaana sidoo kale xabsiga loo taxaabay dhalinyaradii wadatay gaariga khamrida siday.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa ku ammaanay Ciidanka dadaalkooda ku aadan ka hortaga falalka Ammaan-darro iyo ka ganacsiga maandooriyaha, iyagoo sheegay in Khamridan lagu hubiyo doono goob fagaare ah.

Khamridan ayaa noqonaysa tii labaad oo 24 saac gudahood ay gacanta ku dhigaan Ciidammada Booliska Puntland, waxaana ay subaxnimadii Talaadada ay khamri fara badan ku qabteen kantaroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso.