DEG-DEG: Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland oo caawa lagu dhawaaqayo

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa goor-dhaw ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland, kaddib sanad iyo bilooyin kasoo wareegay dib u doorashadiisii.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Jubbaland ayaa u sheegay Idilnews in Golaha Wasiirada cusub ay kasoo muuqan doonaan xubno ku cusub saaxada.

Sidoo kale, Xubno muhiim ah oo kamid ah Golaha 0⁰ ee hada ayaa weyn doona kuraastooda, waxaana kamid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, halka Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan lagu bedeli doono Nin ay isku qoys hoose yihiin.

Idil Television