HADMA oo sheegtay in 8 Ruux ay ku dhinteen Roobab ka da’ay Puntland (VIDEO)

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee (HADMA), ayaa shaacisay in 8 Ruux ay ku dhinteen, 1,500 oo neefna ay ku le’deen Roobabka Guga ee ka da`ay deegaanada Puntland.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda HADMA Cabdullaahi Ceyrow, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dadka ku dhintay Roobabka ay isugu jiraan carruur iyo dad waa weyn, kuwaas oo qaarkood daadad la tageen, kuwo kalena ay ku dheceen goobo biyo fariisin ah, halka kuwa kalena uu ku dhacay danab (Wiriq).
Idilnews