Maxamed Cali Guulleed oo ku geeryooday Boosaaso

Maxamed Cali Guulleed, oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku geeryooday Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, oo qoraal soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Maxamed Cali, isagoona alle uga baryay inuu kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, eheladii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo imaan ka siiyo.

“Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa Golaha Wakiillada DPL, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Xildhibaan hore Maxamed Cali Guulleed oo ku geeriyooday magaalada Boosaaso, waxaana Alle SWT uga baryayaa Inuu Marxuumka naxariistii janno ka waraabiyo, kitaabkiisa uu gacanta midig ka siiyo.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Idilnews