Rooble iyo Madaxda D/Gobaleedyada oo heshiis ka gaaray qabsoomida Shirka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada oo kulan khadka Taleefoonka ah yeeshay ayaa heshiis ku gaaray in kulan horu-dhac ah ay qaataan kahor Shirkii loo balansanaa inuu ka dhaco 20 bishan May.

Kulanka oo lagu balamay inuu qabsoomo marka Madaxda isugu timaado Muqdisho, ayaa  lagu gorfeyn doonaa Ajandaha Shirka loo balansan yahay, iyo in la abuuro jawi wada-hadal dhexmara Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa ku balamay in laga wada shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida Doorashooyinka Dalka iyo in la wada ilaaliyo in hanaan doorasho oo hufan, saldhigna uu yahay heshiiskii 17-kii September ay Dalka ka dhacdo.