Sawirro: Laamaha Amniga Galmudug oo ka hadlay Qarax ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo (VIDEO)

Qarax weyn ayaa xalay fiidkii ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kaas oo ahaa Mooto bajaaj laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo, ayaa ka dhacay bartamaha koonfurta magaalada, waxaana ku dhintay Ragii watay Mootada oo gaarayay Saddex, kana tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Galmudug G/dhexe Qaasim Sheekh-doon Cali.