Shacabka degmada Eyl oo u dareeray goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha (VIDEO)

Shacabka ku dhaqan Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa maalintii labaad u dareeraya goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Dowladaha Hoose ee Puntland oo si horudhac ah loogu qabanayo degmooyinka Qardh, Eyl iyo Ufeyn.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad, oo galinkii dambe ee Talaadadii daah-furay Diiwaangalinta oo uu wado Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka degmada Eyl inay is diiwaangaliyaan si ay u soo doortaan xubnaha Golaha Deegaanka ee ku matalaya Maamulka Dowladda hoose ee Eyl.

Degmada Eyl ayaa ah degmadii labaad ee laga  daah-furay diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka horudhac ah ee Dowladda Hoose, waxaana maalintii afaraad diiwaangalintu ka socotaa Degmada Qardho,  iyadoona ay xigi doonto degmada Ufayn oo maalmaha soo socda ay ka bilaabmi doonto diiwaangelinta codbixiyayaasha.