Shirka Madaxda Soomaalida oo dib loo dhigay, Madaxweynaha Puntland dartiis

Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, oo loo balansanaa inuu berri oo ah 20-May ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa dib u dhac kooban ku yimid, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dib u dhacan ayaa la xariira arrimo farsamo, maadama uu Dalka ka maqan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo lagu wado inuu berri kusoo laabto deegaanada Puntland, kaddibna uga sii gudbo magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay u badan tahay inuu Shirku furmo 23 – 25 bishan May, waxaana jiri doona kulan horudhac ah oo ay yeelanayaan Madaxdu kahor Shirka weyn.

Diyaargarowga Shirka ayaa si weyn looga dareemayaa Muqdisho, waxaana boor lagu xardhay Shirka la dhigay afaafka hore ee qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Madaxda Dowlad Gobaleedyada qaarkood ayaana lagu wadaa inay berri gaaraan Muqdisho.