Soomaaliya & Kenya oo wadaagaya Xirmooyinka Shidaalka Badda dacwadeedu taalo ICJ.

Soomaaliya & Kenya ayaa heshiis ka gaaray muran badeedka labada Dowladood dhowr jeer u hortageen Maxkamadda Cadaaladda Caalmiga ee hoostagta Qaramada Midoobay ICJ sida uu daabacay Wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya.

Xukuumadda Dooxa ayaa dhexdhexaadintaan kaalin muuqata ka qaadatay sidii labada Dowladood xal uga gaari lahaayeen muranka badda oo Kenya ka baaqsatay dhageysigii ugu dambeeyay.

Qatar ayaa go’aamisay in boqolley ahaan ay u qaybsamaan Dowladahaan nacfiga kasoo baxa 50% ayuu dal weliba qaadan doonaa, waa marka ay heshiiskaan kala saxiixdaan madaxda labada Dowladood si loosoo afjaro kiiska daba-dheeraaday ee Maxkamadda ICJ horyaalla.

Xukuumadda Dooxa ayaa aad u daneyneysa ka faaiideysiga soo saarka Khayraadka badda gaar ahaan Saliida, sidoo kale waxaa damac uu kasoo galay Shirkadda Caalamiga ah ee Shidaalka Talyaaniga laga leeyahay ee ENI.

Ergayga gaarka ah ee Qatar u soo dirtay Soomaaliya iyo Keyna Mutlaq Al-Qaxdaani ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku qanciyay in khilaafka xadka Badda ee Soomaaliya kala dhexeeya Kenya lagu dhameeyo wadahadal! taas oo macnaheedu yahay in Kiiska laga saaro Maxkamadda ICJ laguna xalliyo meel kabaxsan Maxkamadda.

Ilaa haatan kama aysan hadlin Villa Somalia & xubnihii Dacwadda Soomaaliya ku metalay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ oo dhowr jeer sheegay in aysan aqbali doonin wadahadal iyo xal ka baxsan go’aanka Maxkamadda.