VIDEO: Midowga Musharixiinta oo shuruud adag hordhigay Ra’iisul Wasaare Rooble

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Midowga Musharixiinta ay taageersan yihiin hanaanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble kula wareegay doorashada ayna la Shaqeeynayaan.

Daahir Geelle ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha in aragtidiida uu ku muujiyo in hogganka uusan kala gedisneyn balse kaliya aragtida ay kala gedisan tahay, sidoo kalena Shirka 20-ka Bisha May uu gundhigiisu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax ayaa sidoo kale sheegay in shirka wadatashiga doorashooyin uu noqdo mid loo wada dhan yahay oo ay ka qeyb galaan, Midowga Musharixiinta, Beesha Caalamka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo cid kasta oo kasoo Shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa ka hadlay warar lagu faafinayay Baraha Bulshada ee ku aadanaa in uu khilaaf soo kala dhex-galay Midowga Musharixiinta, waxana uu sheegay in Musharixiinta ay yihiin kuwo Mideysan.