XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka diiday Farmaajo inuu xafiiskiisa ka shaqeeyo Cabdi Dheere

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa iska diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage (Cabdi Dheere) oo ah La-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in loo soo wareejiyo Xafiiskiisa, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Roble in Cabdi Raage uu ka howlgallo Xafiiskiisa, si uu ugala shaqeeyo shirka wada-tashiga doorashooyinka ee 20-ka May, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku gacan seyray, isagoona sheegay inuu Xafiiskiisu ku filan yahay shaqada lagu aaminay.

Saraakiisha Xafiiska Rooble ayaa tilmaamay in Roble u sheegay in Cabdi Dheere uu yahay mid kamid ah yahay bud-dhigayaasha hab fikirka u horseeday dalka dhibaatada ee Farmaajo, taas oo ah in kursiga la isku dhajiyo, uusana aqbali karin in uu la shaqeeyo, maadama uu luminayo kalsoonida saamileyda siyaasadda ee qeybta ka ah doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, waxaana la filayaa inay Muqdisho gaaraan Wafuuda Dowlad Goboleedyada.