Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo maanta tagaya Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo lagu dhameystiri doono heshiiskii 17-kii September.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay maanta tagi doonaan Muqdisho, halka Madaxweynaha Hirshabelle uu dib u dhac kooban ku yimid safarkiisu, maadama arrimo tacsiyeed ay soo wajahday Maamulkiisa, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Jowhar oo lagu dilay saraakiil katirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ku maqan safar dibedda ah ayaa maanta dib ugu soo laabanaya caasimadda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Golayaasha Dowladda, Siyaasiyiin iyo Waxgarad, waxaana uu intaas kaddib u sii gudbi doonaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isagu shalay gaaray Muqdisho.