Madaxweynaha Puntland oo maanta kusoo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal qaatay 14 cisho oo uu ku tagay dalalka Itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Deni oo aan soo laabashadiisa iyo safaradiisii midna la shaacin, ayaa berri ka qeybgalaya Aas Qaran oo Garoowe loogu sameynayo Madaxweyne ku-xigeenka hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo Meydkiisa laga soo qaadayo Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sabtida u socdaali doona Muqdisho oo uu uga qeybgalayo Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Idilnews