Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland oo geeryooday

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dowladda Puntland Sareeye Guuto:- Cabdisamed Cali Shire oo saaka ku geeryooday magaalada Muqdisho, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu u joogay arrimo caafimaad.

Cabdisamed Cali Shire, ayaa ahaa ku-xigeenkii, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole intii u dhexeysay 8 January 2009- 8 January 2014.

Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo kasoo jeeda degaannada Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulka Puntland Janeraal Cabdisamad Cali Shire.