Puntland oo Guddi u saartay Aaska Gen. Cabdisamad Cali Shire

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Dowladda Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah.

  1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye )
  2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )
  3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)
  4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)
  5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )
  6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)
  7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
  8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin)
  9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin)