Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo Madaxweynayaasha DG ee jooga Muqdisho ? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Laftagareen, ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka Decale, ayaa ahaa casho iyo iswareysi, maadama ay Madaxdan gaareen Muqdisho 48 lasoo dhaafay si ay uga qeybgalaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.