XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Farmaajo oo yeeshay kulan lagu kala kacay

Waxaa jira kulan ku dhaxmaray RW.Rooble iyo Madaxweyne waqtigiisu dhamaaday VillaSomalia saacado kahor, waxaana goob joog ka ahaa shirka Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha NISA .

ilo xog-ogaal ah ayaasheegaya in Hadalka bilawgiisa uu qaatay Fahad Yaasiin, wuxuuna yiri Mudane RW.Rooble, shirka dhici doona sabtida 22-5-2021 Madaxweyne Farmaajo,ayaa khudbad ka jeedin doona, wuuna gudoominayaa Shirka.

Kadib RW.Roble ayaa si kulul ula hadlay Fahad Yaasiin, wuxuun ku yiri, Fahad horta ma anaa ku xukuma mise adiga,ayaa ixukuma? Wuxuu ku jawaabay adiga,markaas,ayuu Roobke yiri shirka kabax, wuuna kabaxay Fagad,isagoo caraysan.

Xogtan oo laga soo xigtay ilowareedyo ku sugan madaxtooyada waxay sheegayaan in RW.Rooble ku yiri Farmaajo,soo maadan igu wareejinin maamulidda Arrimaha Doorashada,maxaad ii daba socotaa?

Waxaa tahay Madaxweyne Musharax ah maqamakaaga iyo Maamuuskaaga waad leedahay, laakiin arrimaha doorashooyinka faraha kala bax.

Waxaa jira xogo kale oo sheegaya in Farmaajo qorshaynayo in uu ku kalaho Hoolka Shirka aroorta hore sabtida 22-5-2021 ugana sii hormaro dhammaan Madaxda kale.

Waana arintan keeni karta in Shirku buburo ,buuqna ka dhasho, laguna noqdo qalalaasihii hore.

RW.Rooble,ayaa umuuqda inuu doonayo in kaalintiisa hogaaminta shirka aan lagu faragelin.

Dhamaan saamilayda siyaasada ayaa horey usheegay in ay kalsooni buuxda siiyeen Rw Rooble.