Cumar Cabdirashiid “Shirka maanta ayaa muhiim u ah geedi socodka Doorashooyinka”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa boggaadiyey wada-hadallada doorashooyinka ee ka bilaabanaya gudaha magaalada Muqdisho, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, isaga oo u tilmaamay in wada-hadalladan ay muhiim u yihiin ka gudubka xaaladda adag ee kala guurka ah ee haatan dalka uu ku jiro.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada inay gaaraan heshiis dhammeystiran, si ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Shirka maanta ayaa muhiim u ah geedi socodka Doorashooyinka xaaladda kala guurka si heshiis dhammeystiran ay u gaaraan ra’iisul wasaaraha & madaxda dowlad goboleedyada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.