Imtixaanaadka shahaadiga ah oo maanta ka bilaabanaya deegaanada Puntland

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee ay qaado Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta ka bilaabanaya Guud ahaan deegaanada Puntland, waxaana u fariisan doona Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iyo fasalka 12-aad ee dugsiga Sare.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa daah-furi doona Imtixaankan oo ay galayaan Kumanaan Arday oo kunool 9 Gobal ee Puntland, waxaana uu socon doonaa muddo Asbuuc ah.

Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ayaa imtixaaankoodu soconaya 4 maalmood oo ku eg Talaadada, halka kuwa fasalka 12-aad ee dugsiga Sare uu socon doono 6 maalmood oo ku eg khamiista.

Idilnews