Madaxweyne Deni oo fariin u diray Ardayda Puntland ee u fariistay imtixaanka shahaadiga ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ardayda Reer Puntland ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020/2021, isagoona alle uga baryay inuu u fududeeyo.

“Dhammaan Ardayda Puntland ee maanta Imtixaanka shahaadiga ah u fariistay waxaan Alle SWC u waydiinayaa inuu u fududeeyo Imtixaanka wiilal iyo habloba.”

“Waxaan dhiirigelinayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland hawl-wadeenadeeda ka shaqaynaya qabsoomidda Imtixaanaadka, waxaan u rajaynayaa inay masuuliyaddaas uga soo dhalaalaan, si mugleh oo hufan, sidii caadada u ahayd.”