Maxaa looga hadlay Shirkii maanta u furmay Madaxda Soomaalida ? (VIDEO)

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii kowaad kusoo gaba-gaboobay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, Madaxda ayaana ku balamay inay sii amba qaadaan berri oo Axad ah.

Shirka oo ahaa horudhac ayaa waxaa Shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta ay Madaxdu diirada ku saareen Ajandaha Shirarka soo socda, ayna is afgarad ka gaareen. Shirkan ayaana la doonaya in xal looga gaaro caqabadaha hortaagan in dalku aado doorasho iyo in lagu dhameystiro heshiiskii 17-kii September.

Shirka Madaxda Soomaalida ee ka furmay maanta Muqdisho ayaa ka duwan Shirarkii hore, maadama uu dibad joog ka yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo lagu eedeeyo inuu fashiliyay Shirarkii hore ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana Hanaanka Doorashooyinka Dalka hoggaaminaya haatan Ra’iisul Wasaare Rooble.