Sawirro: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo daah-furay Imtixaanaadka shahaadiga ah

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga Sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe ee deegaanada Puntland.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee deegaanada Puntland ay sanadkan waxaa u fariistay 17,735, kuwaas oo 5,708 kamid ah ay yihiin dugsiga sare fasalka 12-aad, halka 12,027 ay yihiin fasalka 8-aad.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa Hambalyo u diray Arday Imtixaanaadka u fariisatay, waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo.

Idilnews