Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka bilaabanaya Muqdisho

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed biyo Hirshabelle uu noqonayo mid horudhac ah oo Madaxdu iskula meel dhigayaan Ajandaha Shirka dhameystirka heshiiskii doorashooyinka Dalka ee 17-kii September, iyadoo berri si rasmi ah uu u bilaaban doono Shirka guud.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay qorshe uu doonayay inuu Shirka ku fashilmay, kaddib markii uu dalabkiisii ku gacan seyray Ra’iisul Wasaare Rooble, oo u sheegay in uu doonayo inuu ka mira dhaliyo balanqaadkiisii.

Idilnews