Taliyihii Ciidanka Nigeria oo shil diyaaradeed ku geeryooday

Taliyaha ugu sareeya ciidamada Nigeria Lieutenant General Ibrahim Attahiru iyo saraakiil kale oo militari ah ayaa geeriyooday kadib markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kaduna ee waqooyiga dalka Nigeria.

Diyaarada oo dooneysay inay soo cagodhigato garoonka Kaduna hase yeeshee cimilada oo xumeyd awgeed ayay dhacday iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen toban sarkaal oo la socotay taliyaha.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Attahiru waxaa magacaabay Madaxweynaha Muhammadu Buhari bishii Janaayo iyada oo qayb ka ah isku-shaandheyn lagu sameeyay taliska sare ee millatariga si loola dagaallamo rabshadaha sii kordhaya, oo ay ku jiraan dagaalka in ka badan toban sano ee ka dhanka ah kooxda hubaysan ee Boko Haram.

Buhari, oo ahaa Jeneraal hore oo markii ugu horeysay la doortay sanadkii 2015-kii, ayaa waxaa saaran cadaadis badan oo kaga imaanayay mucaaradka sida dowladiisa ay u maareynayso dhibaatooyinka sii kordhaya ee amaanka ee dalka.

Hadal uu soo saaray, madaxweynaha wuxuu ku sheegay in shilka “uu ahaa mid halis ah islamarkaana yimid, xilli ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin inay soo afjaraan caqabadaha amniga ee haysta dalka”.

Milatariga Nigeria waxay la dagaallamayeen Boko Haram illaa 2009, iyadoo dagaaladaana ay ku dhinteen in ka badan 40,000 ayna ku barakaceen ugu yaraan laba milyan oo ruux.

Attahiru wuxuu dhintay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau si xun loo dhaawacay ama suura gal tahay in la dilay kadib markii ay isku dhaceen koox ka soo horjeeday.